Kulanka Mudulood Ee Muqdisho..

Politics

Waxaa si hoose u socda abaabul xoogan iyo wada tashiyo hoose oo ay garwadeen ka yihiin Madaxweyneyaashii hore ee Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi, sidii loo qaban lahaa Kulan-weyne ay isugu imaanayaan Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada iyo waxgaradka beelaha Mudulood.

Ilo-wareedkaan ayaa tilmaamtay in 3-da Madaxweyne ay la kulmeen Imaamka,Ugaaska iyo Odayaasha Dhaqanka islamarkaana ay ku qanciyeen Shirkaan oo ay ku tilmaameen mid muhiim ah.

“Waxaa noo yeeray Madaxweynayaashii hore, waxayna sheegeen in ay muhiim tahay in Mudulood isugu yimaado kulan deg deg ah oo mustaqbalkooda looga hadlayo waana la isku waafaqay” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka Mudulood.

“Imaamka iyo Ugaaska oo xiriir dhow la leh Maamulka Farmaajo ayaa isku dayay in uu hor is-hotaago laakiin waa lagu qanciyay waana ogolaaday, maalmaha soo aadan ayuuna qabsoomi doonaa” ayuu sheegay mid kamid ah odayaasha Mudulood oo kulamadaas qeyb ka ahaa.

Haddii uu kulan dhaco, sida la filayo maalinta Axadda, waxa uu noqonayaa kii 2-aad oo ay beelahaan Hiraabka yeeshaan muddo dheer kadib, waxaana sidoo kale uu wataa saameyntiisa siyaasadeed.

Somalia ayaa hadda Xiligaan ku jirta marxaladda kala guurka ah, waxaana socda diyaar garow doorasho oo ay wadaan beelaha siyaasiinta Soomaaliyeed oo loolan adag ku jira.

17810cookie-checkKulanka Mudulood Ee Muqdisho..