Kulanka Nabadeynta Oo Ka Furmay Kismaayo

Politics

Waxaa xalay guriga Martida ee magaalada Kismaayo ka furmay shir loogu magac daray ‘nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland, kaas oo loo asteeyay in uu socdo seddaxda maalmood ee soo socota.

Furitaanka shirkan waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) labadiisa ku xigeen, madaxda golaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska Nairobi kula galay Madaxweyne Madoobe, wasiirro, xildhibaanno, odayaasha dhaqanka beelaha Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Jubbaland.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ah gudoomiyaha golihii isbadal doonka Jubbaland ee la heshiiyay Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku dhawaaqay in golaha isbadal doonka Jubbaland ay ka tanaasuleen sheegashada xilka Madaxweynaha Jubbaland, taas bedelkeedna ay madaxweynaha haatan kala shaqeyn doonaan isbadallo lagu horumarinayo dowlad goboleedka Jubbaland.

Xidig ayaa in taageerayaasha golaha isbadal doonka iyo guud ahaan shacabka reer Jubbaland u sheegay in hada kadib aysan jiri doonin laba dhinac oo isku heysta siyaasadda Jubbaland oo ku wada sugan Kismaayo, sida uu sheegay.

Xidig wuxuu madaxda dowladda federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay hoggaanka Jubbaland kala shaqeeyaan dib u heshiisiinta ka bilaabatay deegaanka, taas oo kasoo bilaabatay heshiiskii dhinacyada siyaasadda Jubbaland ee ka dhacay Nairobi, 16-kii bishii hore ee Abriil.

Dhankiisa Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo soo xiray munaasabadii furitaanka shirkaas ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Ugu horeyn Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay xallinta tabasho kasta oo ay maamulkiisa ka qabaan shacabka iyo mucaaradka reer Jubbaland, hada kadibna uu ku shaqeyn doono rabitaanka shacabka.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in munaasabadan ay xigi doonaan shirar Kismaayo ka socon doona maalmaha nasoo aadan, kuwaasoo si qota dheer looga wada xaajoon doono qodob walba oo ay isku hayaan beelaha dega  Jubbaland ama laga tirsanayo maamulka uu hoggaamiyo.

33800cookie-checkKulanka Nabadeynta Oo Ka Furmay Kismaayo