Ma Dhabaa in Dhalinyaro Soomaaliyeed ay Shirkad Chinnes ah ka Dhacday Dhaqaale badan..

Business Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysay in Dhaliyaro aad u tiro badan oo Soomaaliyeed ay ku yaaceen si ay macaash dhaqaale uga helaan Application-ka Kuex oo laga leeyahay Dalka China ayaa laga lunsaday Millions US$ Dhalinyaradaan oo lacagtooda ay dhigteen…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dhalinyaradaan Lacagaha laga lunsaday ayaa waxaa ku jira kumanaan Soomaali ah oo kan ugu yar dhigtay lacag gaareeysa Kun dollar 💵, iyadoo aysan jirin Hey’ado kala taliyay Shacbiga ineysan ku kadsoomin dhaqaalena gelin Shirkado gadisley ah oo macaash been ah soo dhiga online-ka.

Dhalinyaro badan qaarkood ayaa Gaadiidkii iyo Mooto-bajaajtoodii u gaday si ay lacag u dhigtaan Application-ka KUEX, uguna faa’idaan lacago macaash dheeraar ah, Waxaan la kulmay dhoor Qofood oo magaalada Muqdisho ku sugan oo laga dhacay kumanaan kun oo US$. Kuwaasoo shalaay taagan.

338020cookie-checkMa Dhabaa in Dhalinyaro Soomaaliyeed ay Shirkad Chinnes ah ka Dhacday Dhaqaale badan..