Ma Dhabaa in Diyaaradaha Drones-ka Akinci ay fuliyeen howlgaladii ugu Horeeyay..

Security Somalia news

Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa Howlgalo duqeyn ah oo ay durbadiiba fulisay Diyaarada Drones-ka Bayrakdar Akıncı oo dhawaan laga soo iibiyay Dalka Turkiga, taasoo awood u leh iney xoojiso howlgalada ka dhanka ah Kooxda argagixisada Shababka oo weeraro ku haya degaano ka tirsan Shabeelooyinka..

Xuuraano hordhac ah oo la helay ayaa tilmaamaya in Diyaarada Bayraktar Akıncı ay bilowday howlgalo lagu beegsanayo kooxda Argagixisada Shababka, diyaaradaan ayaa xalay goobo badan ka fulisey duqaymo waxaana kamid ah, Degaanada Basro, Ceelbacad iyo Sumadaale oo ka kala tirsan Shabeeloyinka, halka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka ayaa xalay Duulan Dhul iyo Cirba ka wadaan Tuulooyinkaasi, iyadoo dhoor jiho laga fuliyay.

Ilo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya Diyaaradahaan waxaa iibiyay Dowlada Qatar oo ka bixisay 8-Millions US$ inkastoo qiimaha dhabka ay ka badan yihiin Drones-kaan, Talabadasn ayaa muujineysa in Qatar ay ku dadaaleyso iney saameyn ku yeelato Dagaalka dhanka ka ah kooxaha Argagixisada ee Somalia.

364630cookie-checkMa Dhabaa in Diyaaradaha Drones-ka Akinci ay fuliyeen howlgaladii ugu Horeeyay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *