Ma Dhabaa In Eritrea Ay Saraakiil Sahan Ah Ay Somalia U Soo Direen

Politics

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhowaan Magaalada Muqdisho ay soo gaareen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Ciidamada Eritrea kuwaasoo sahan ahaan ugu kuur galaaya Gobokada Dalka qaarkood…

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in 2-3 Sarkaal oo ka tirsan Wasaarada Difaaca Eritrea ay dhowaan soo gaareen Magaalada Muqdisho, waxeyna kulamo qarsoodi ah Madaxtooyada kula yeesheen Mr.Farmaajo iyo xubno khaas ah oo ka tirsan Wasaarada Gashandhigga, waxaana kulamadaasi looga dooday Sidoo Ciidamada Eritrea loo dejin lahaa Gobolada Shabeelada Hoise, Bay, Gedo iyo Qeybo ka mid ah Degaanada H/Shabelle iyo Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiishaan Lugtoodii 2-aad safarkooda ay haatan ku joogaan Magaalada Baydhabo gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha oo ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia qeybtooda Amisom, waxeyna kormeer qarsoodi ah ku tageen dhowr xarumood oo ay ka mid tagay Dugsiga tababarka ee Cali Salaamey ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Macluumaadkaan ayaa sheegaya in ka hor inta uusan dhamaan Sanadkaan lagu wado iney Dalka soo gaaraan Ciidamo hordhac ah oo Ethiopian iyo Eritreans ah kuwaasoo diyaariyay 15-20-kun Ciidan oo Lagu wado iney farsiimo badan kala wareegaan Ciidamada Amisom oo muddo xileedkoodu ku eg yahay 2022-

28340cookie-checkMa Dhabaa In Eritrea Ay Saraakiil Sahan Ah Ay Somalia U Soo Direen