Ma Dhabaa In Kulankii Hargeysa..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Kulamo adag oo Shalay dhex maray Ergadii Wasiirada Ethiopia iyo Hogaanka Sare ee Maamulka Muuse Biixi, iyadoo laga dooday qodobo badan oo masiiri ah.

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Kulanka ka dhacay Shalay Madaxtooyada Hargeysa, la hordhigay Qodobo ay ka mid yihiin:-

-Dib u mideynta Somalia

-Xalinta Khilaaf mugga leg ee u dhaxeeya Konfurta iyo Waqooyiga

-Bixinta Mag/dhow (200-Millions US$)

-Xarunta Barlamaanka Oo Waqooyiga laga Dhigo

-Maalgelinta tiro mashruucyo ah oo laga hirgelinaayo Gobolada Waqooyiga.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Muuse Biixi uu dalbday in Kulamo wada tashi ah qodobadaan kala yeesho Hogaanada Labada Gole, Madaxa Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka.

Kulankaasi oo xalay dhan socday ayaa lagu Go’aamiyay in lagu gacan seyro Qodobada uu heshiiskaasi ka kooban yahay isla markaasna Go’aanka Go’itaanka uu yahay mid aan la noqobeynin.

Ergada Wasiirada ayaa Sidoo kale u bandhigtay Mr.Muuse Biixi hadii uu diido Heshiiskaan in Maamulada Gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag la diyaariyay go’aan ay laga mid noqonayaan Somalia, Isla markaasna Ciidamo ka socda Amisom la geyn doono degaanadaasi, isla markaasna Go’doon la gelin doono Degaanada Gobolada Waqooyi-galbeed iyo Togdheer, isla markaasna si deg deg ah loo joojin doono Heshiisyada iyo Mashaariicda UAE ee Dekada Berbera.

17900cookie-checkMa Dhabaa In Kulankii Hargeysa..