Ma Dhabaa in USA ay Qorsheyneyso iney Xirto 10-Safaaradood iyo 17-Xafiis Qunsuliyadeed.

Politics Security U.S.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshe uu dejiyay Maamulka Trump kuna doonaayo inuu hirgeliyo kuna aadan in albaabada loo laabo 10-Safaradood iyo 17-Xafiis-Qunsuliyadeed ay Dowlada Mareykanka ku leedahay daafaha Dunida si loo yareeyo dhaqaalaha ku baxa Howlaha Arrimaha Dibeda USA..

Wararka ayaa sheegaya in xiritaanka Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha USA, ayaa Khabiirada ku tilmaameen in dib u dhac ku yimid siyaasada arrimaha Dibeda ee Mareykanka oo 70-kii sano ee u dambeysay Qori dab leh dunida kula wareegaayay, taasoo dhalisay naceyb loo qaaday siyaasada xooga ku dhisan & Afgambiyada.

Inkastoo uu Maamulka Trump uu sheegay in sababaha ugu weyn ee xiritaanka ay salka ku heyso hoos u dhaca dhaqaalaha iyo dhimisya kharashaadka ku baxa Siyaasada Arrimaha Dibeda, dhawaan ayeey aheyd markii uu Maamulka albaabada u laabay Hey’addii USAID, Maamulka ayaa qorsheynaaya inuu dhimo 50% Dhaqaalaha ku baxa Wasaarada Arrimaha Dibeda & Hey’adaha hoos taga.

Si kastaba, waxaa walaac laga muujiyay hirgelinta Qorshahaan oo Dalal badan oo xasarado ka taagan yihiin halis ugu jirasn iney qabsadaan kooxaha Argagixisada ee dagaalada kala dhaxeeyo USA ay taageero u fidin jirtay, halka kuwo kale la sheegay in Dalalka China iyo Russia ay buuxiyeen Dalal ay ka baxeen USA iyo Europe, kuwaasoo durbadiiba ku faafiyay saameyntooda.

Qaarada Africa, Waxaa lagu wadaa in albaabada loo laabo Safaaradaha Mareykanka ee Dalalka Africada Dhexe, Congo, Eritrea, Gambia, Lisotho & Konfurta Sudan, iyadoo Howlihii loo wareejinaayo Safaaradaha dalalka deriska la ah, Qaarada Europe, waxaa lagu wadaa in la xiri Safaaradaha Dalalka Luxembourg iyo Malta iyo Missions ku kala yaalay Granada iyo Maldivas.

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro oo intooda badan ay ku yaaliin Europe waxaa ka mid ah Dalka France oo Shan Qunsuliyadood ku yaal sida (Bordeaux, Lyon, Marseilles, Rennes iyo Strasbourg, halka 2- kale ay ju yaaliin Dalka Germany Magaalooyinka Dűsseldorf, Liepzig, sidoo kale laba Qunsuliyadood oo ku yaal Bonznia Herzegovina iyo kuwo ku kala Dslalka UK, Italy iyo Portugal.

368390cookie-checkMa Dhabaa in USA ay Qorsheyneyso iney Xirto 10-Safaaradood iyo 17-Xafiis Qunsuliyadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *