Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Xaraasheyso Dhismayaasha Safaaradaha Somalia ee Dibeda…

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Maamulka Villa Somalia ayaa in muddo ah si hoose u waday qorshe Xaraash lagu iibinaayo Dhismayaasha Safaaradaha Somalia ku leedahay Dalalka Europe iyo kuwo kale, iyadoo Xaraashakaan Villa Somalia u xil saartay Shaqsiyaad ku dhow Madaxweynaha Somalia..

Xogta ayaa xaqiijisay in Magaalada Paris, Dowladdu ku leedahay 2-dhisme, oo labaduba burbursan mid ku yaal bartamaha magaalada iyo mid kale oo ku yaal Le Vesinet oo ku taal duleedka Paris, kaasoo laga dhigay dhul kaliya, halka Belgium, Somalia waxaa ku yaal labo dhismo: qeybta Safaarada ku shaqeyso oo dib loo dayactiray 2015, halka dhismihii uu Danjiraha deganaa wuxuu lumiyay xasaanaddii diblomaasiyadeed ee 2019 oo hadda loo tixgeliyo hanti gaar ah, oo u baahan bixinta canshuurta guryaha ee sanadlaha ah.

Iyadoo Dhismaha laga guuray ee magaalada Bonn oo mar loo isticmaali jiray xarunta Safaarada ayaa hadda waa dhul aan loo baahnayn sababtoo ah caasimadda Jarmalka oo u guuray Berlin, Sidoo kale, Talyaanigu waxaa ku yaal afar dhismo oo xaaladdoodu liidato.

Dhismaha Guddi Qaran

Guddi Khubaro ah oo Daraasad ku sameeya Xaaladaha Dhismayaashan ayaa lagamarmaan ah in Dowlada Federaalka u dhisto, Marka la eego caqabadaha dhaqaale ee Somalia xiligaan heysta iibinta qaar ka mid ah guryahan si loo dayactiro ama loo iibsado kuwo cusub ayaa ah ikhtiyaar macquul ah, Talaabadani ayaa sidoo kale waa istaraatijiyad ay adeegsadaan dalal kale. Si taas loo fududeeyo, Dowladdu waa inay dhistaa Guddi:-

-In la Dhiso Gudi ka kooban Xubno ka socda Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka, Wasaaradda Maaliyadda, Hanti-dhowrka guud, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah oo la ixtiraamo si ay u kormeeraan iibka iyo hubinta hufnaanta.

-Ka faa’ideysiga Dhaqaalaha laga soo saaro Iibka dhismayaasha si loogu cusboonaysiiso ama loogu iibiyo Dhismayaal cusub.

341140cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Xaraasheyso Dhismayaasha Safaaradaha Somalia ee Dibeda…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *