Ma Dhabaa In Xasan Sheekh Ka Tanaasulay Musharxnimada Xilka Madaxweynaha

Somalia news

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya in Madaxweynihii hore Ee Somalia Mr.Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaan ku sugan Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar uu ka fekeraayo sidii Doorashada fooda nagu soo heysa uga gaabsan lahaa, kadib markii culeysyo la soo gudboonaadeen….

Ilo Wareedkaan ayaa sheegaya in Mr.Xasan Sheekh oo Madax ka ah Xisbiga UDP, uu la soo gudboonaaday culeysyo dhinacyo badan kaga yimid, taasoo laga yaabo in Doorashadaan uusan musharax u noqon Xisbigiisa, waxaana la sheegay inuu taageeri doono Musharaxnimada Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Dani oo isbaheysi kala dhaxeeyo.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in laga yaabo in Mr.Xasan Sheekh uu Xilil ka qabo AU-da ama Jaamacada Carabta, inkastoo aan la xaqiijin isla markaasna ay Saraakiisha Xisbigiisa ay ka gaabsadeen iney war ka soo saaraan wararkaan la sheegaayo, waxaase cad in Daladii Xisbiyada Mucaaradka uu burbur ku yimid.

70600cookie-checkMa Dhabaa In Xasan Sheekh Ka Tanaasulay Musharxnimada Xilka Madaxweynaha