Ma Dhabaa Inuu Xiriir Ka Dhaxeeyo Qatar Iyo Shabaabka

Politics

Markii Maamulka Farmaajo uu xilka la wareegay 3-sano ka hor, ayaa waxaa soo shaac baxaayay tuhunka laga qabo Dowlada Qatar oo hiil iyo hooba la garab istaagtay Maamulka Villa Somalia, iyadoo ay saraakiisheeda Sirdoon ay xiriir toos ah la yeeshaan Qaar ka mid ah Horjoogayaasha kooxda Shabaabka, wuxuuna xiriirkaasi soo maray mudada gaaban Marxalado kala duwan…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Wakiilo ka tirsan qeybta Mukhaabaraadka Qatar ay ka dhiseen Xarunta NISA shabakad isku xirta Horjoogayaasha Shabaabka iyo koox fulisa danaha dahsoon ee Matalaya Dowlada Qatar

Sidoo kale, waxey ku guuleystay iney dhisaan Shirkad Bug ah oo ganacsi taasoo suuq geyn u ah Kooxaha Jihaadiga ah ee heer Caalami ah kuwaasoo intooda badan loo adeegsado dagaalada dalalka Libiya, Siria,Yemen iyo Kooxo cusub oo si hoose looga dhisay iney ku kacaan Sacuudiga iyo UAE.

Maamulka Villa Somalia ayaa madiidin iyo dalaal u noqday iney u Adeegaan Maamulka Dooxa, ayaa waxey Dhalinyaro badan oo Soomaali ah u oggolaadeen iney ka dagaalamaan Dalka Libiya, iyadoo dhaqaalaha ku baxaaya ay bixiyay Xukuumada Qatar halka farsamada ay ka taageereen Maamulka Ankara.

Maamulka Farmaajo, ayaa dareensan in xiligii xukunka uu dhamaad ka yahay, ayaa waxey dhankooda ka bilaabeen iney kala qeybiyaan Beelaha Soomaalida si ay xukunka ugu si nagaadaan, iyagoo Beelaha qaarkood u sheegay ineysan sii heysan doonin xilalka ay ka hayaan Maamulka, hadii aysan k qeyb qaadan kacdoonka looga hortagaayo Beelaha awooda iyo saameynta Siyaasada ku leh, iyagoo ka codsaday iney ku taageeraan Dhaliyaro loo tababaro si loo difaaco Maamulka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhiiradaan inuu CXDS ukala qeybiyay Qaab qabiil, isagoo gunadii iyo xuquuqdii ka jartay Ciidamadii dagaalka ku jiray 10-kii sano uu ugu dambeysay, wuxuuna Talaabadaan uga gol leeyahay in hadii ay Somalia ka curato Nidaam kasoo horjeedo danaha Qatar loogu sameen lahaa Afganbi.

25670cookie-checkMa Dhabaa Inuu Xiriir Ka Dhaxeeyo Qatar Iyo Shabaabka