Maamulada Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Loogu Baaqay

Politics

Aqoonyahanno, Hey’adda Xuquuqda Aadanaha iyo Wariyaasha ayaa ka dalbaday Maamulada Muqdisho iyo Hargeysa iney si shuruud la’aan ah loo soo daayo Wariyayaasha kala ah Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Cabdicasiis Axmad Gurbiye, kuwaasoo u xiran xirfadooda Wariyenimo muddo dheer iyo maalmo…

Kulan Isku imaatin ah ayay wariyaashii ka qeyb galay ku muujiyeen boor lagu soo xardhay sawirka tafaftiraha Goobjoog, halka Hey’adda Amnesty ay soo saartay baaqaday Maamulada Muqdisho iyo Hargeysa inay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan Wariyayaasha u xiran.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la xiray sanad ka hor maanta oo kale, isagoo adeegsanaya xuquuqdiisa xorriyadda hadalka.

Wariyeyaasha qaarkood oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ku xiran yahay xabsiga dhexe isaga oo xukun la,aan ah waxaana ay codsadeen in uu helo cadaaladda loona baahan yahay in la soo bandhigo cadeeymo sax ah oo lagu heysto.

Dhanka kale waxay dalbadeen in Maamulada u hogaansamaan dastuurka dalka oo la ixtiraamo xorriyad hadalka. Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay ” Maamulada waxaan ka codsanaynaa in Wariyayaasha ay xoriyadooda dib loogu soo celiyo oo aan lagu xadgudbin sharciga Banii’aadnimada iyo midka Saxaafadda waxaana rajaynaynaa in baaqeena ay aqbali doonto”

28410cookie-checkMaamulada Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Loogu Baaqay