Share the post "Maamulka Deni Oo Qoraal Dacwad ah u Diray Wakiilada Deeq-Bixiyayaasha ee Saaxiibada Somalia.."
Macluumaad ayaa laga helayaa qoraal cabasho ah oo Maamulka Garoowe u direen Dalalka Deeqaha siiya ee Somalia, iyagoo ku eedeeyay in Dowladda Federaalka ay siyaasadeysay Gargaarka Bini’aadanimo ee Maamulkooda loo soo mariiyo Somalia..
Qoraal ku qoran luuqadda English-ka oo ay Puntland u dirtay deeq-bixiyaasha Caalamka ayay ku sheegtay in Dowlada Federaalka ay siyaasadeysay gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta ee la siiyo Somalia, waxeyna ayaa deeq-bixiyaasha ka codsatay iney wax ka qabtan tallaabada ay ku siyaasadeysay gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee lagu bixiyo magaca Soomaaliyeed.
Maamulka Garoowe, ayaa sidoo kale deeq-bixiyaasha ka codsaday in caddaalad loo qeybiyo gargaarka bini’aadanimo iyo mashaariicda kale ee la siiyo Somalia islamarkaana lagu maamulo mas’uuliyad maaliyadeed, Puntland ayaa horey u sheegtay iney xiriirkii u jareen Dowlada Federaalka, Wasiiradooda laga mamnuucay iney Caasimada ka dagtaan.

