Maamulka Hargeysa Oo Lagu Eedeeyay Heshiis Ay Ka Baxeen

Politics

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya in Heshiis Ay horey u wada gaareen Maamulka Hargeysa iyo Ganacsato degaanka ah kaasoo salka ku haya Maamulka Hoteel Hargeysa Club Oo loogu wareejiyay labo muwaadin oo maal-galin badan ku sameeyay….

Wararka ayaa sheegaya in Ka bixida heshiiskaasi uu dhaliyey xiisad hor leh oo si weyn looga dareemay Degaanada Maamulkaasi, waxeyna Talaabadaan ka dhalatay awood sheegashadii Maamulka Muuse Biixi uu kula wareegay Hargeysa Club, isla markaana ay uga baxday heshiis mudadiisu aysan dhamanin.

Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah labada qof ee xukuumadu ay hore ugu wareejisay Maamulka Hotelka Hargeysa Club, lana saxeexday heshiiska 30-ka sanno ah ayaa ka dambeeya Jabhadaasi cusub, sida ay ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen.

Suldaanka oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Somaliland, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sanaag, ayaa ku guuleystay abaabulka Jabhada hubeysan oo si weyn uga soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi.

Jabhada hubeysan ayaa ujeedkeedu yahay sidii cadaadis xoogan loo saari lahaa xukuumada Muuse Biixi, isla markaana ay uga noqon laheyd awooda ay kula wareegtay Hargeysa Club oo dhaqaale badan uga baxday dhinacyadii ay heshiiska uga baxday.

33150cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Lagu Eedeeyay Heshiis Ay Ka Baxeen