Maamulka Hargeysa Oo Xabsiga Dhigtay Fanaaniin

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya In Maamulka Muuse Biixi uu Xabsiga dhigay laba Fanaan Oo bishii tagay Safar ku tagay Magaalada Muqdisho…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In Maamulka Mr.Biixi uu dacwada ku soo oogay fanaaniinta kala ah:-

-Xamda Yuusuf Ibraahim

-Barwaqo Maxamed Xaashi.

Haweenkaan ayaa Xabsiga loo taxaabay bishii hore ee April.

Xarunta Xuqul Insaanka ee Somaliland (HRC) ayaa baaq culus kasoo saartay xarig ay Xoogaga amaanka ee Maamulka Muuse Biixi ay kula kaceen Fanaaniin booqday magaalada Muqdisho.

Xarunta Xuqul Insaanka Somaliland ayaa sheegtay inay wax laga xumaado tahay in xarig lagula kaco fanaaniintaasi, kuwasoo Maamulka Muuse Biixi ay ku eedeysay qodobo culus oo aan loo meel dayin.

35770cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Xabsiga Dhigtay Fanaaniin