Maamulka Trump oo Dardar ku Bilaabay Qorshe Lagu Masaafurinaayo Muwaadiniin Djibouti & Somalia…

Security U.S.

Iyadoo uu Maamulka Trump 20-kii bishaan Xukunka Dalkaasi la wareegay isla markaasna ololihiisa doorashada ku xaqiijiyay inuu dib u celinaayo Dadka soo galootiga ah ee Dalka Mareykanka sharci darrada ku jooga kuwaasoo ay ka mid yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed..

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee hadda loo qorsheeyay in dalka laga musaafuriyo ay gaarayaan 4,090, taasoo ka tarjumeysa baaxadda hawlgallada lagu hayo muhaajiriintan. Waxaa Somalia ku xiga Nigeria oo leh 3,690 kiis oo la sugayo in la tarxiilo, halka Ghana ay ka joogaan 3,228 kiis, Dalka Eritrea 973, Ethiopia, 1713 iyo Egypt 1461.

ku darsoo, Maamulka USA ee Trump ayaa ku dhawaaqay inuu 30,000 oo muhaajiriin sharci darro ah ugu dirayo xabsiga Guantanamo Bay, Trump ayaa sheegay in xaruntaan oo leh 30,000 oo sariirood loo isticmaali doono in lagu ilaaliyo soogalootiga ‘dembiilayaasha ah’, wuxuuna xusay sida ay ‘adag’ u tahay in la baxsado, talaabadaan ayaa u muuqata mid ku cusub oo awoodoisa ka baxsan.

358730cookie-checkMaamulka Trump oo Dardar ku Bilaabay Qorshe Lagu Masaafurinaayo Muwaadiniin Djibouti & Somalia…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *