Maamulka Villa Somalia Oo Ku Dhacay Dabinadii Dooxa

Politics

3-sano ee uu Maamulka Madaxtooyada Somalia uu Hogaanka u haya Mr.Farmaajo ayaa la sheegay inuu madiidin u u noqday Maamulada Dooxa iyo Addis Abeba, kuwaasoo go’doon Dhanka Siyaasada iyo Dhaqaalaha geliyay Somalia….

Cilmi baaris iyo xogo uruurin ayaa muujinaaya in Maamulka Farmaajo uu ku dhacay Shirqooladii ay u maleegeen Dowladaha Qatar iyo Ethiopia, iyadoo ay soo baxayaan tuhuno badan oo laga qabay inuu horey xiriiro joogto ah u jiray iyo basaas u yahay Maamulka Dooxa.

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya sheegaya in su’aalo badan oo u baahan in loo helo jawaabo si looga shaki bixiyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah:-

-Inta aan la dooran Mr.Farmaajo majiraan xiriir qarsoon oo kala dhaxeeyay Dalalka Qatar iyo Ethiopia?

-Door Noocee ayeey ka ciyaareen Dowladahaan (Qatar iyo Ethiopia) Doorashada madaxweyne Farmaajo uukusoo baxay?

-Madaxweyne Farmaajo muxuu Laba Gole iyo Shacbiga Soomaaliyeed ugu soo bandhigi waayay Hishiiska 4-Dakadood ee uu usaxiixay Ethiopia?

-Ethiopia oo aan bad laheyn Maxaa keenay iney ku dhiirato dhismaha Ciidamada Bada maxaase halis ah oo Somalia uga imaan karo?

-Hadalkii Ra’iisul Wasaare Mr.Abiy Ahmed ee ahaa Somalia & Ethiopia hal dal ayeey noqonayaan Heshiiska uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo maka mid yahay?

Bilowga Xiriirka Qatar & Mohamed Abdullahi Farmaajo

Siyaasada Arrimaha Dibada Xukuumada Qatar waxaa muhiim u ah in ay Somalia gacanta ku dhigto, si taas u dhaqan galiso waxeey sameeysay isku dayo fara badan.

Maamulka Dooxa waxey Somalia ka aasaastay urur diimeedka Al-Ittixaad, iyadoo Dhaqaale badan gelisay sidii uu Hogaanka Dalka u qabsan lahaa, nasiib darro way ku fashilmeem, sido kale waxey Dhaqaale badan ku bixisay Ururka Shabaabka iyana walagu guuldareestay qorshaha laga lahaa maadama la wiiqay ururka sido kale shacabka Soomaaliyeed fahmeen dhagarta ururka uu leeyahay.

Mideynta Aragtiyada Ethiopia & Qatar Musharaxnimada Farmaajo

Dowlada Qatar waxey wada hadalo qarsoodi ah la yeelatay Maamulada Ethiopia maadama ay saameyn adag ay ku leedahay arrimaha Maamul-goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Somalia, waxeyna isla meel dhigeen in:-

-In isbadal lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya Xarafka ka hadlaayo Xuduuda Somalia oo qeexayaa 5 Soomaali, si meesha looga saaro khilaafka dhuleed ee ka dhaxeeyo labada Doowladood kaaso 1977 uu ku dhaxmaray dagaal.

-In Soomaaliya laga siiyo tiro Dekadaha si ay badeecadaha uga soo dagaan Shucuubta Ethiopia iyadoo aysan jirin wax kiro ah.

-In Muwaadin kasta Somali ah oo halis ku ah Amniga Qaranka Ethiopia si sharuud la’aan ah loogu gacan geliyo.

-Iney Qatar iyo Ethiopia iska kaashadaan In Dowlada Masar saaneynta ay ku leedahay Somalia laga saaro, xiriirkeedana hoos loo dhigo.

Danaha Dowladaha Sacuudiga Iyo UAE ee Somalia La Xakameeyo

-In Farmaajo uu layimaado siyaasad uu isaga horkeenayo Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladaha Sacuudiga iyo UAE taaso looga dhigaayo cadow.

-In dhamaan Dakadaha Somalia loo gacan galiyo Qatar si ay macaash balaaran ugu sameeyso isla markaasna dowlada khaliijka ugala dagaalanto dhaqaalaha.

-In Dowlada Turkey ay soo martaa Qatar wax kasto ay rabto ineey ka fuliso Somalia.

-In Dowlada Qatar ay maamusho Keydka Shidaalka Somalia

Dowlada Qatar Oo Oggolaatay iney Dhaqaale ku taageerto Musharaxnimo Mr.Farmaajo

-In Dhaqaalaha uu doorashada ku galaayo Musharax Farmaajo lagu keydiyo Safaarada Ethiopia ee Muqdisho.

-In Ethiopia ay awooda xaga ciidamada ka tageerta Farmaajo Maamulkiisa isla markaasna lagu caburiyo Xisbiyada iyo Musharixiinta Mucaaradka.

-In Ethiopia ay joojiso lamacaamilka Maamulada Puntland Jubbaland & Somaliland 

33460cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo Ku Dhacay Dabinadii Dooxa