Madaxii Boliska Afgooye iyo Ilaaladiisa oo Qarax lagu dilay.

Politics

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qarax ka dhacay agagaarka degaanka Lafoole ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay Madaxii Boliiska degmada…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa waxaa ku dhintay Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Mursal (Nuunow) iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Cusmaan Carab ayaa Maqribnimadii Caawa xaqiijiyey in Weerarkaasi uu dhacay laguna dilay Taliyaha iyo Istaafkii la socday qaar.

Ma jirto warar dheeraad ah oo laga helay Qaraxaas marka laga soo tego xogtaas kooban ee la bixiyey,iyadoo Duleedka Afgooey Qaraxa uu ka dhacay Casirkii Galabta markii ay aheyd.

23520cookie-checkMadaxii Boliska Afgooye iyo Ilaaladiisa oo Qarax lagu dilay.