Madaxii Sirta Somaliland Oo Beeniyay

Politics

Madaxii sirdoonka ee Maamulka Somaliland, Mr.Jaamac Maxamed Bootaan ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegayey inuu xil ka helay Saldhiga weyn ee Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho….

Mr.Bootaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xil looga magacaabay saldhigaasi uu leeyahay Turkigu, isagoona si adag u beeniyay wararkaasi oo uu ku tilmaamay been abuur, wuxuuna kale beeniyay inuu qaatay Dhalashada iyo Baasaborka Dalka Turkey.

Bootaan wuxuu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono cidii faafisay warkaasi uu ku tilmaamay been abuurka, isla markaana xusay inay ujeedo gaar ah ka lahaayeen arrintaasi.

“Anigoo ah Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka Somaliland, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan  shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waan beeninayaa wararkaas” ayuu yiri Janaraal Bootaan.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, waxbana kama jiraan wararkaas oo waa kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa. Waana kuwo ujeedo gaar ah laga leeyahay”.

Waxaana xusid mudan in Mr.Jaamac Maxamed Bootaan oo bishii hore ee March uu Madaxweyne Muuse Biixi ka qaaday xilkii sirdoonka Somaliland, uu isla markiiba u baxay safar dibedda ah.

27670cookie-checkMadaxii Sirta Somaliland Oo Beeniyay