Share the post "Madaxweynaha Somaliland Magacaabay Ergeyga Wada hadalada Somaliland & Somaliland.."
Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo mug leh oo dood adag ka dhaliyay guud ahaan saaxadda siyaasadda Somaliland, kadib markii Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro” u magacaabay Mudane Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Wada Hadalada Somaliland & Somalia Xiligaan oo horey u heysay Adna Aadan…
Kooxaha mucaaradka ayaa welwel ka muujiyey Magacaabista Ergeygaan oo ay ku eedeeyeen inuu xiriir dhow oo Ganacsi la leeyahay Ganacsatada Konfurta gaar ahaan uu Saami ku leeyahay Premier Bank ee Somalia iyo Xiriir dhow oo la leeyahay Madaxawynaha Somalia kaasoo uu gaaray in loo soo bandhigo inuu Xil ka qabto Golaha Wasiirada Somalia.
Ku darsoo Madaxweynaha Somaliland ayaa xilka Wasaarada Arrimaha Dibeda u magacaabay Abdirahman Dahir Adan Bakal oo horey su’aalo ka keenay heshiiska MOU ee Ethiopia la gaartay Maamulkii Muuse Biixi ka hor inta uusan xafiiska la wareegin mawqifkaasi oo ka duwan dheelitirka diblamaasiyadeed ee jilicsan ayaa dad badani u arkaan in loo baahan yahay xaaladda gobolka ee hadda jirta.