Magaalada Ceyrigaabo Oo Gashay Xaalad Kacsanaan ah Kadib Dilkii Nabadoon..

Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceyrigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Degmadaasi, kadib markii shalay halkaasi lagu dilay Nabadoob Saalax Maxamuud Cali Gurey oo kamid ahaa odayaasha magaalada kana soo jeeda Beel ahaan Gobolka Sool..

Wararka ayaa sheegaya in Dadweyne ka caraysan dilka Marxuumka ayaa muddaharaad ka bilaabay Xaafado ka tirsan Degmada Ceyrigaabo, waxaase si xoog ah ku kala ceyriyay Xoogag Hubeysan oo ka amar-qaata Maamulka Somaliland, sida ay soo sheegayaan goob-joogayaal kala duwan, waxaana la sheegaya in ay jiraan shacab ku dhaawacmay rasaastaasi.

Marxuum Saalax Cali Gurey oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn loogu yaqaan Hawlaha dhiiri gelinta nabadaynta iyo dib u heshiisinta Bulshada ayaa saaka lagu toogtay bartamaha Ceyrigaabo, siday xaqiijiyeen qoyskiisa, Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay fuliyeen dilka marxuumka kadibna goobta isaga baxsadeen, islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka marxuumka.



350120cookie-checkMagaalada Ceyrigaabo Oo Gashay Xaalad Kacsanaan ah Kadib Dilkii Nabadoon..