Maleeshiyo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Aqalka Madaxtooyada ee Dalka Chad ee N’Djamena, Fiidnimadii Abacada sida ay soo werisey wakaalada wararka ee Ruushka, 18 ka mid ah Dableydii weerarka soo qaaday ayaa isla goobtaas lagu diley. Wax yar kadib maamulka ayaa ku dhawaaqay in xaaladdu ay gacanta ku hayso, isla markaana aysan jirin wax argagax ah…
Telefishinka AlAarabia oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Chad ay iska caabiyeen weerar kooxda argagixisada Boko Haram ay ku soo qaadeen xarunta madaxtooyada. Al Arabiya ayaa sheegay in Madaxweyne Mahamat Idriss Deby uu ku sugnaa gudaha qasriga Madaxtooyada.
Taangiyo iyo cutubyo ka tirsan booliska ayaa la geeyey qasriga. Amniga ayaa aad loo adkeeyey, waxaana jira isu soo baxyo lagu taageerayo madaxweynaha Chad Mahamad Idiris.