Maqaalka Caafimaadka:-Sababaha Horseeda Murqo-Xanuunka, Lafaha, Seedaha & Kala Goysyada..

Health

Dad badan ayaa cabasho ka muujiya xanuunka Murqaha, Seedaha, Lafaha iyo Kala goysyada kuna raagta, iyadoo lala xiriiriyaa xanuun baahsan oo laga dareemo murqaha, lafaha iyo daal guud, Astaamaha noocaan oo kale waa kuwa ku xiran xaalada kale, waxey ka dhigan tahay inaan lagu xaqiijin karin baaritaano khaas ah, Aqoon buuxda looma hayo waxa sababa, xaaladaan waa mid inta badan lagu qaldo xanuuno kale…

Maadaama xanuunkaan uusan laheyn baaritaano gooni ah lagu ogaan karo ayaa waxey sababtay in dhaqaatiirta ay su’aala ka keenaan xanuunkaan ijiritaankiisa, Waayihii hore dhaqaatiir badan ayaa walaac ka qabay in dadka qaar kood ay ku marmarsiiyoodaan xanuunkaan si ay u helaan dawo, maadaama aan la baari karin xanuunkaan. Dhaqaatiirta ayaa garawsaday in isbedel lagu sameeyo qaab nololeedka qofka ay ka wanaagsan tahay in xaaladaan lagu maareeyo qaab dawo ah.

Astaamaha

Xanuunka murqaha, seedaha, lafaha iyo kala goys yada waa mid laga dareemo meelaha danqada, oo ah waxa kiciya xaaladdaan. Meelahaan waa meela ka mid ah jirka oo taabasha yar xitaa ay sababi karto xanuun. Dhaqaatiirta waxey adeegsadaan astaama kale oo joogta ah si ay uga caawiso baaritaanka xaaladdaan.

Dadka qaba xaaladdaan waxey kaloo dareemi karaan:

  • Daal badan
  • Hurdada oo dhib ku noqota
  • Nasiino la’aan marka laga soo tooso hurdo dheer
  • Madax xanuun
  • Niyad jab
  • Walwal
  • In ay dhib ku qabaan in ay digtoonaadaan
  • Xanuun laga dareemo qeybta hoose ee caloosha

Astaamahaan waxey ka dhalan karaan neerfaha iyo maskaxda oo si qalad ah wax u tarjuma iyo iney xanuun aan jirin ay dareemaan, waa arin la xiriirta kiimakooyinka oo aan isku dheeli tirneyn.

Maxaa kiciya xaaladda xanuunka murqaha, seedaha, lafaha iyo kala goys yada?

Waxaa la aamin san yahay qofka hadii uu qabo 18 meel oo danqanaya. 11 kamid ah na ay kicinayaan xanuun baahsan oo jirka dhan ah, dhaqaatiirtu waxey tijaabinayaan imise meel ayeey ka dareemaan xanuun marka la riixo.

Wax yaabaha caanka ah ee kiciya xaaladdaan waxaa kamid ah:

  • Xanuun laga dareemo qeybta dambe ee madaxa
  • Qeybta kore ee garbaha
  • Qeybta kore ee xabadka
  • Miskaha
  • Jilbaha
  • Suxullada

Dhaqaatiirta waxay fiiriyaan inaad dareentay xanuunkaan guud in ka badan saddex bilood adoon xaalad kale oo caafimaad aanan qabin.

Ma jirtaa dawo si dhab ah u daweyn karta xanuunkaan?

Xaaladdaan malahan dawo dhab ah. Maareynteedu waxey xoogga saartaa sidi hoos loogu dhigi lahaa astaamaha uu qofku dareemo iyo kor u qaadista tayada nolosha qofka.

348990cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:-Sababaha Horseeda Murqo-Xanuunka, Lafaha, Seedaha & Kala Goysyada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *