Maraykanka oo Sheegtay iney Burburiyeen Hub ay Xuutiyiinta Yemen u isticmaalayeen Weerarada Maraakiibta…

World

Inkastoo xaalada Amaan ee Marinka Bal Al Mandab ay Dhibaato xoogan ku qabaan Maraakiibta Xamuulka iyo kuwa Shidaalka ee Dalalka Reer Galveedka iyo Israel ay leeyihiin, iyadoo Ciidamada USA & UK ay ku faahilmeen iney Xakameen ama ugu yaraan ay heshiis la gaaraan Xoogaga Xuutiyiinta Dalka Yemen oo myddo 9-bilood ah xayiraado ku soo rogeen..

Taliska Ciidamada USA ayaa sheegtay iney gudaha Yemen ku burburiyeen afar diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn iyo laba gantaal oo an nooca loo adeegsado weerarada maraakiibta, Goobta lagu burburiyey saanaddan milateri ayaa ka mida, Degaanada gacanta ugu jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iran, iyadoo kooxda Xuutiyiinta aysan weli ka hadlin dhacdadaan.

Kooxdaan ayaa la sheegay iney ilaa afar gantaal oo nooca balastiga ah iney ku rideen dhinaca Badda cas, afar iyo labaatankii saacadood ee ugu dambeeyey, hase ahaatee aanay wax khasaare ah keenin, waxeyna kaloo xireen 14-Xubnood oo shaqaale u ah Hey’adaha UN-ka kuwaasoo ay ku eedeeyeen iney basaasiin u yihiin USA.

Dhanka kale, Ilo Amaan ayaa sheegaya in Markab Ganacsi oo maraayay meel u jirta 335NM Xeebta Magaalada Mogadishu ay arkeen doon ay saaran yihiin 6-Xubnood Burcad badeed Soomaali ah, maalintii shalay inkastoo aysan weerarin haddana waxaa la sheegay in Falkaan uu cabsi ku abuuray Shaqaalaha Markabka, waana dhacdo u baahan in baaris lagu sameeyo falalka kooxaha Burcada.

330470cookie-checkMaraykanka oo Sheegtay iney Burburiyeen Hub ay Xuutiyiinta Yemen u isticmaalayeen Weerarada Maraakiibta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *