Mashruuca Burburinta Maamulada Ee Farmaajo…

Politics

Waxaa dhamaad ku dhow qorshe balaaran oo uu Maamulka Farmaajo uu ku doonaayo in Madaxda HirShabelle ay shaashada saaxada siyaasada kaga wada bixi doonaan, oo aysan Xilalkooda kusoo laaban doonin inta uusan dhamaan Sanadkaan…

Xogogaalo la si dhow ula socda xubnaha dejiya Siyaasada Madaxtooyada, ayaa ka digay in la abuuro Khilaaf you siyaasadeed Ii burbur u horseedi kara Maamulka HirShabelle, wuxuuna farta ku goday in Khilaaf muuqda uu xiligaan u dhaxeeyo Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne kuxigeenka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Ilo-wareedkaan ayaa tilmaamay in Khilaafkaasi uu salka ku hayo Dib u soo laabashada Hogaanka HirShabelle Xubnaha la doonaayo iney dib soo laabtaan Doorashada soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Barre Maxamed Ayaa ka mid ah Xubnaha Xisbiga Farmaajo, ayaa loo sheegay iney Seefta qaadi doontaa, Waxaana booskiisa loo diyaarshay xubin ka soo jeeda Beesha Shiidle oo laga yaabaa iney qabtaan Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle oo BeeshaGaaljecel laga wareejiyo.

Villa Somalia ayaa diyaarsaday Wasiir kuxigeen katirsan Dowlada lala rabo Booska Madaxweyne Waare uu baneen doono, Wasiirkaan ayaa kasoo jeedo Beesha Xawaadle.

Halka Madaxweyne kuxigeenka HirShabelle Oo xubin ka soo jeeda Beesha Warsengeli Xiligaan, ayaa qorshahaan ay macquul gal tahay beesha Agoon yar la siiyo (Gaar ahaan Celi-Agoonyar), Talaabadaan oo horseedi karta in marxalad adag ay gasho saaxada Siyaasada HirShabelle.

Bisha September 2020 ayaa lagu wadaa in doorashada Baarlamaanka iyo Mida Madaxda HirShaeblle la dooran doonaa, sida qorshaha uu yahay, Inkastoo laga yaabo inay kasoo hormarto Dhismaha HirShabelle.

21660cookie-checkMashruuca Burburinta Maamulada Ee Farmaajo…