Mashruuca Indhasarcaadka Ee Garoonka D.Baraawe…

Politics

Mashruuca dhismaha Garoonka Garoonka diyaaradaha Baraawe, oo ay ku faaneen Maamulka Farmaajo, ayaa taariikh ahaan ka horreeyay hal Sano oo uu xafiiska joogo Madaxweynaha Lafta Gareen, iyadoo Sidoo kale Su’aalaad laga keenay Dhaqaalaha ku baxay iyo haddii garoon diyaaradeed lagu dhisayo muddo sanad ah, waxaa u deynayaa ka hadalkooda dadka bartay Aviation-ka iyo dhismaha Garoomada diyaaradaha..

Taariikhda Garoonka:-
Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe wuxuu soo bilowday sanadkii 2014, markii la xoreeyay Baraawe oo ay adkeyd safarada dhulka lagu tago iyo sahayda loo geeyo Ciidamada oo badanaa dhanka badda loo marsiin jiray, waxaana la dhagax dhigay garoonka diyaaradaha Baraawe 12 Agosto sanadkii 2015, xilligaasoo Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan uu dhagax dhigay, mashruucaas oo dhowr marxalado soo maray waxaa dhaqaale ku bixinayay Hey’addo dhowr ah oo Heshiisyo la galay Xukuumaddii hore.

Waxaase Aqoonyahannada aad ula yaabeen in lagu dhiirado Dhaqaalaha ku baxay oo lagu sheegay 4,3-Millions US$, oo shaaca laga qaado, runtii Waa ayaan darro in dhaqaalaha intaas la’eg lagu raad tirto iney ku baxday dhul la xaarxaaray iyo dhisme yar oo laga dhisay sida Sawirka ka muuqda.

Waxeyna Dhacdadaan muujineysa 3-sano ee Maamulka Farmaajo uu marin habaabinaayay isla markaasna indhasarcaadka u muujinayay, iney yihiin Maamulka kaliyah ah ee Xoolaha Shacbiga ugu adeega, adeegoodana waxey marqaati ka dhigteen dhagar dhiga Mashaariicda Dekeda Hobyo, Wadooyinka Jowhar-
Muqdisho-Afgooye iyo Garoonka Diyaaradaha ee Baraawe (Somalia Cidna uma Maqana Ceelna uma Qodna).

21520cookie-checkMashruuca Indhasarcaadka Ee Garoonka D.Baraawe…