Maxa Ka Jira In Guddiga Fatahaadaha B/Weyne La Kala Diraayo

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in kadib markii Maamulka Villa Somalia uu ku fashilmay inuu lunsado deeqihii Lacageed ee loogu talo galay Fatahaadaha Wabiga Shabelle ee Magaalada B/Weyne….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Maamulka Farmaajo uu hadda qorshe cusub u soo dhiibay Mr.Waare iyo xubno kale oo degaanka ka soo jeeda, kuwaasoo doonaaya iney dhisaan guddi macmal ah oo been abuur ah si loogu raad tirto Dhaqaalaha uu dhacay Mr.Farmaajo.

Waare ayaa qorsheeynaa inuu meesha ka saaro gudiga fadahaada Beledweyne oo uu hogaamiyo xaaji Dhagaxoow taasoo Bulshada Beledweyne iyo Guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed aad ugu qanceen howshooda waxtarka leh, iyadoo laga xunyahay in howsha mashruuca dhowr meelood lagu cuno lasoo afjaro.

Kooxdaan ayaa diyaariyay qorshe sidii ay dhabarka uga jebin laheyd in dadaalada Bulshada Beledweyne u hayaan Guddigaan hadii midaa dhacdana waa gunimo ee hala ogaado Shacabku shaqadooda ha qabsadaan.

“B/weyne wey Jirtaa, Weyne jiri doontaa, weyna la xisaabtami doontaa kooxaha Maafiyada ah ee isu baheystay iney macaash ka raadiyaan Maatada iyo marasta ku dhibaateysan Fatahaada Biyaha Wabiga Magaalada B/Weyne”, sidaas Waxaa sheegay Muwadin degaanka ka soo jeeda.

33900cookie-checkMaxa Ka Jira In Guddiga Fatahaadaha B/Weyne La Kala Diraayo