Maxaa ka dhaxeeya Xasan Kheyre iyo Ambassador Jamaludin

Politics

Mr.Xasan Cali Kheyre ayaa in mudo ah wuxuu si laba wajiilanimo ah ugu shaqeynaayay inuu u muujinaayay Hogaanka Iyo Bulshada Jubbaland in uusan la qabin Madaxweyne Farmaajo aragtida ku wajahan hogaanka Jubbaland. Waxaa uu taleefano gaara kula xiriiri jiray Madaxda Jubbaland isaga oo isaga dhigayo inuu iyaga la safan yahay…

Hadabda, xog uruurin iyo baaris mug leg oo Diinah.com ay fulisay ayaa Waxaa tilmaamtay in Xasan Cali Kheyre uu isaga shaqsiyan taleefano kula hadlay beesha Caalamka isaga oo uga digay in ay taageeraan heshiiska Jubbaland.

Dhanka kale Danjiraha Ethiopia ee magalaada Muqdisho ayaa Dhaqaale joogto ah ka laga siiyaa xafiiska Xasan Kheyre, isagoo oo fuliya dhamaan qorshaha Gurcan ee Maamulka Fadhiidka ee Villa Somalia, Mid ka mida shaqaalaha sare  (Senior Staff) ee ka shaqeeya xafiiska Kheyre ayaa u sheegay MOL in Ambasaador Jamaludin uu yahay shaqsi si dadban uga tirssan Xafiiska Kheyre.  Jamaluldiin ayaa ah shaqsi ka soo jeeda beesha Murusade  ee Karanle Ethiopia.

“..Jamalaudiin waxa uu u shaqeeyaan Kheyre, xaalada Jubbaland waa mid uu ula dhaqmo si laba wajiilanimo ah, Kheyre ayaa nagu amray in aan ku qancino beesha caalamka in ayan taageerin heshiiska Jubbaland, Ethiopia ay hogaanka u qabato ololahaas.

Dhankeena waxaanu siinay safiirka Jamaludiin  dhamaan taageerad isyaasadeed ee uu nooga baahnaa” , Sidaas waxaa yiri mid mida shaqaalaha Xafiiska Kheyre o oo ka gaabsaday in aan magaciisa faafino arimo la xiiria amnigiisa.

Sababta uu Kheyre  sida dadan uga soo horjeestay heshiiskaas, ayaa lagu sheegay inuu  doonayo in sare u sii qado colaado siyaasadeed ee ka dhaxeeysa beelaha Mariixaan iyo Ogadeen, taas uu ka dhex arkayo fursada siyaasadeed, Laakiin hogaanka iyo shacabaka Jubbaland  ayaa si cad u arka sida laba  wajiilanidama ah eee uu Kheyre ula dhaqmayo reer Jubbaland.

31350cookie-checkMaxaa ka dhaxeeya Xasan Kheyre iyo Ambassador Jamaludin