Maxaa Ka Kaga Baxay Horjooha Dhinacyada Badan U Shaqeeya

Politics

Macluumad hordhac ah laga laga soo sheegaya Horjooge ka tirsan NISA oo laba Kaarle ah, kaasoo la sheegay inuu xiriiro wada shaqeyn la leeyahay Hey’adaha Sirdoonada Reer galbeedka, Kan Kenya iyo Kooxda Shababka, wuxuuna ka mid yahay Xubnihii asaasay Kooxda dilalka ee NISA….

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Horjooge Ciise Maxamed Ciise oo ka mid ah Gacanyarayaasha Adeege Fahad Yasiin isla markaana kuxigeen ka ah Xafiiska Kaalinka ee NISA, ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay maskaxda k dambeysa dilalka iyo xariga sharci darrada ee loo geysto Muwaadiniinta magaalada Mudisho.

Dhismaha kooxdaan ujeeadada ka dambeysa waxey aheyd sidii loo fulin ahaa dilalka qorsheysan, iyadoo isbedelo dhowr ah lagu sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, kadib waxaa 2019 la badalay Horjooge Iidow, madaxii kooxda waxaana lagu badalay Horjooge Ciise Maxamed Ciise kaasoo xilkaan hayay markii laga qaaday G/Sare Ibraahim Macalin Abdullahi Taliyihii NISA ee Gobolka si KMG ahna Loogu dhiibay Horjooge Ciise Mohamed Ciise.

Waa Kuma Ciise Maxamed Ciise

Ciise Mohamed Ciise waa shaqsi nooc ah halkee ayuu kasoo galay NISA, yuu la shaqeeyaa maxaase kala dhaxeeya Cabdulaahi Kulane (Jiis-Mareexaan), Horjooge Ciise wuxuu ahaa shaqsi ushaqeyaa dhowr hey’adood oo sirdoon, waxaa laga xusi karaa Sirdoonka Kenya, sido kale wuxuu macluumaadka ka gadan jiray Kooxda argagaxisa Alshabaab asagoo isticmaalaya Magacisa afgarashada Abu Maajid, gudaha Alshabaab.

Horjogahaan ayaa xiriir dhow oo wada shaqeyn la lehHorjooge Jiis-Mareexaan wuxuuna si joogta ah u siiyaa warbixinada NISA iyo dhaqdhaqaaqyada Kooxaha Mucaaradka, xuurano ayaatilmaamaya in Horjooge Ciise yhay shaqsi daacad u ah Kooxda Shababka, wuxuuna siiyaa warbixinada iyo Shaqsiyaadka la doonaayo in la dilo ee ka tirsan NISA, waxaa halkaas ka bilaawday xiriirka wada shaqeynta Ciise Mohamed Ciise Abu Maajid iyo kulane.

31590cookie-checkMaxaa Ka Kaga Baxay Horjooha Dhinacyada Badan U Shaqeeya