Share the post "Maxaa Looga Dooday Kulankii Madaxweynaha & Danjiraha USA ee Xeyndaabka Xalane.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan ay maalintii Isniinta aheyd ku yeesheen xeyndaabka Xalane Danjiraha USA iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Somalia, iyadoo diirada lagu saaray sidii looga tashsn lahaa xaalka Siyaasada iyo Dagaalka Dalka oo labada cutub ee ugu xasaasisan xiligaan..
Xuuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Mr.Xasan Sheekh uu madasha la tagay laba aragtiyood oo khuseeya shirka uu dhawaan ku baaqay ee wadatashiga qaran, Tan hore ayaa ahayd, inuu shirka uu ku baaqay noqdo mid wajigiisa 1-aad u furan yahay dhamaan Siyaasiyiinta Dalka, Qofka kasta oo kasoo qayb geli karana uu yimaado, waxaana uu sheegay in shirkani noqon doono madal furan oo si toos ah loo tebiyo, Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u sheegay Danjire Riley in ajandaha wajiga koowaad noqonayo mid looga arrinsado taageerada siyaasiyiinta ee dagaalka Shabaabka.
Aragtida labaad ee Madaxweynuhu kulanka la tagay ayaa ahayd in wajiga labaad uu noqdo mid looga hadlayo siyaasadda, waxaana Madaxweyne Xasan uu adkeeyay in shirka siyaasadda looga hadlayaa uu ku koobnaan doono Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, isagoo ku dheeraaday in marna aysan sharci noqon karin qof aan xil hayn in lagala hadlo go’aanada masiiriga ah ee Dalka.
Ilo wareesyo loo qaateen ayaa tilmaamay in Danjire Riley uu u sheegay Madaxweynaha inaan amniga laga hadli karin haddii aan siyaasadda dalka heshiis lagu ahayn, Danjiraha ayaana raaciyay in uu Madaxweynaha u sido farriin dhab ah oo ah aragtida ay qabaan saamilayda siyaasadda ee dalka, wuxuuna ku adkeeyay inuu soo saaro jadwal cayiman lana la kaashado Maamulada Gobolada.
Kulanka Danjire Riley iyo hoggaamiyeyaasha Mucaaradka
Toddobaadkii lasoo dhaafay Danjire Riley ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhamaan Murashixiinta Xilka Madaxweyne, waxaana uu kala hadlay qaabka ay noqanayso gogosha shirka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan, iyagoo dhamaantood soo dhaweeyey ka qaybgalka gogosha, marka laga reebo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku adkaystay inaan shirkaasi noqon karin mid furan oo uu ku koobnaado labada heer ee dowladda taasoo sidoo kale uu ku caddeeyay warsaxaafadeedkiisii uu kaga hadlay go’aankiisa gogosha.
Si kastaba, kulanka ay wada-qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiir Richard H. Riley ayaa markale Madaxweynaha looga culeys lagu saaray inuu ka gudbo isgoyska uu taagan yahay, keenana qorshe cad oo lagu wada-qanci karo. Waa xujo siyaasadeed oo horleh oo dul hoganaysa Hogaanka Villa Somalia,