Maxaa Xal u Ah Xaaladaha Amaan Darro ee Qalafsan & Colaadaha Qowmiyadaha ee Ethiopia..

Africa News Security

Tan iyo intii uu Xukunka la wareegay Wasiirka 1-aad ee Ethiopia Mr.Abiy Axmed Dalku wuxuu cagaha la galay Xaaladi Amaan darro oo Qalafsan & Colaado u dhaxeeya Qowmiyadaha Dalkaasi kana dhalatay Siyaasad iyo Hogaan xumida Mr.Abiy una horseeday in Dalka uu qarka u saarmo inuu sidii Yugoslavia kala tago…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Geesks Africa ayaa yaqiinsan in Qamaarka uu ciyaaray Mr.Abiy in xal deg deg ah iyo Midnimo u noqon karto Heshiiska is-afgaradka ee Badda Somalia Shacbiga Ethiopia isagana Kaniini Xanuun baa’biye madaxa u dejiya oo isku ilowsiiyo Fashilka Siyaasadaha gudaha ka heysta, waxaana la is weydiinayaa sidee laga soo bilaabo abaalmarinta Nobel-ka ilaa Dhiiqada dhiig daadinta uu ku casn baxay iyo Sida dunidu u ilduufeen Dhiigyo cabkaan Abiy Axmed.

Khubarada ayaa tilmaamay in Colaadaha Gudaha, Burburka Dhaqaale Dalka, Nidaamkii awooda Difaaca iyo Ciidamada oo sii diciifaya kadib markii loo adeegsaday dagaalada gudaha 5-sano ee u dambeysa iyo Midnimadii Bulshada oo sii lumaysa ay hirseedi karto in Ethiopia ay noqoto Yugslavia Africa.

Shacbiga Ethiopianka ah laguma mashquulin karo Bad bug ah, sababtoo ah waxaa jira wax uga muhiimsan oo ah Sicir bararka sababay iney iibsan waayaan Cunto maalmeedkii wadaniga ahaa (Canjeeradii), Ethiopia waxay ka mid tahay Dalalka aan Badda lahayn (Landlock Country) isla markaana baahideeda hore, mid 2-aad iyo 3-Aad midna mahan Bad Mudane ee waa sidii loo joijin lahaa dhiiga micno la’aanta ku daadanaya & in xal Nabadeed oo deg deg ah loo helo.

348310cookie-checkMaxaa Xal u Ah Xaaladaha Amaan Darro ee Qalafsan & Colaadaha Qowmiyadaha ee Ethiopia..