Maxaa Xiligaan Keenay in Todobaadkaan ay Hawo Kacsan (severe turbulence) la Kulmaan Diyaaradaha ay Farsameeyaan Boeing…

Travel World

Todobaadkii ee ugu dambeeyay waxaa khalkhal ku yimid Diyaaradaha ay Farsameeyaan Shirkadda USA ee Boeing, kadib laba Duulimaad (Air Singapore iyo Qatar Airways) ay la kulmeen hawo kacsan taasoo tababtay in Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii diyaarad ka soo duushay magaalada Doha ee dalka Qatar kuna sii jeeday magaalada Dublin ee dalka Ireland..

Sida laga soo xigtay Qatar Airways, QR017, a Boeing 787 Dreamliner, lix rakaab ah iyo lix xubnood oo ka mid ah shaqaalaha diyarada. Wax war ah lagama hayo inta uu le’eg yahay dhaawaca, Duulimaadkaan ayaa la sheegay iney la kulantay markii ay mareysay Hawo kacsan (severe turbulence) Dalka Turkiga inkastoo diyaarada ayaa u suurtagashay inay u sii socoto Ireland sidii loo qorsheeyay oo ay soo degtay wax yar ka hor 1pm wakhtiga maxaliga ah.

Dhanka kale, Toddobaadkan, laba qof ayaa u dhintay ka dib Hawo kacsan  ( severe turbulence) ba’an oo ka dhacay duulimaadkii Singapore Airlines ee flight SQ321 ee London iyo Singapore city, Nin British ah oo 73 jir ah ayaa dhintay intii ay diyaaradda ku jirtay, mid kalena wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaal Bangkok kaddib markii ay diyaaraddu si degdeg ah ugu degtay halkaasi.

328870cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Todobaadkaan ay Hawo Kacsan (severe turbulence) la Kulmaan Diyaaradaha ay Farsameeyaan Boeing…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com