Maxaabis Laga Siidayay Xabsiyada Muqdisho

Politics

Iyadoo xiligaan ay Siyaasada Somalia ay ku jirto xaalad kala guur ah, Waxaa Waxaa soo shaac baxaaya warar sheegaya in Tiro Maxaabiis ah si bareer ah looga diiday ay Xabsiyada NISA iyo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Heshiis hoose oo dhex maray Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka iyo Adeege Fahad Yaasiin (Agaasimaha NISA), lagu sii daayay tiro maxaabiis ah oo khatar Ku Ah Amniga Dalka loona heysto dembiyo argagixisinimo, kuwaasoo qaarkood baaris ku socotay iyo kuwo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood xukun sugayaal ahaa.

Madaxa Ciidamada Xabsiyada Mahad C/raxmaan Aadan ayaa la sheegay in mudo ka meermeerkat amarka lagu siiyay inuu sii daayo ku dhawaad 10-maxbuus oo ku xiran Xabsiga dhexe, kuwaasoo oo si gaar ah howshooda uu ula socday Adeege Fahad isla markaasna fulinaaya heshiiska Kooxda argagixisada.

Adeege Fahad ayaa lagu tiriyaa inuu yahay shaqsiga ay ka go’da talada Villa Somalia, wuxuuna kor ka maamulaa joongoynta Siyaasada iyo Amniga Dowladda, isagoo Sidoo kale lagu eedeeyaa inuu xiriir hoosaad uu la leeyahay Kooxaha argagixisada, wuxuuna muddo Adeege u ahaa Sirdoonka Qatar oo uu ka soo shaqeynayay Tv-ga laanta Af-carabiga ee Al-Jazeera.

26820cookie-checkMaxaabis Laga Siidayay Xabsiyada Muqdisho