Share the post "Midowga Europe Oo Oo Hawadooda Ka Mamnuucay Diyaaradaha Dalalka Tanzania & Surname.."
Warar hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya in Midowga Europe ay Hawadooda hawada ka xireen iney isticmaalaan Shirkadaha Diyaaradaha laga diiwaangaliyay Tanzaania iyo Surame, kadib markii ay ku eedeeyeen ineysan ku dhaqmin Badqabka Diyaaradaha, talabadaasina ay horseeday in hawada laga xirto…
Wararja ayaa sheegaya in Komishanka Europe ay dib u eegis ku sameeyeen Liiska Diyaaradaha ee isticmaala hawada Midowga Europe, kaasoo shirkadaha diyaaradaha ee xayiraada lagu soo rogey aysan soo gelin karin Hawada Dalalkaasi sababo la xiriira bad-qabka Diyaaradaha, maxaa yeelay waxey ka hooseeyaan heerarka amniga caalamiga ah.
Guddigaan ayaa dib-u-eegis baariseed ku sameeyay dhamaan Shirkadaha Doyaaradaha Rakaabka iyo xamuul hawada, waxaana lagu caddeeyey Shirkadaha Diyaaradaha Tanzaania & Surname lagu soo daray liiska Diyaaradaha ka mamnuuca ah hawada Dalalka ku bahoobay EU-da, sababtana waxaa sharaxay Wakiilka Gaadiidka Mr.Apostoles TzitzikoSas, isagoo ku sifeeyay “cilladaha culus ee ka dhacaya kormeerka” ee 2-da Dowladood, “wuxuuna ku booriyay Dalakaasi inay si dhakhso leh wax uga qabtaan dhibaatooyinkaasi.”