Share the post "Miyeey Fagaare Ka Hadalka u Baahan Tahay Barasho & Leyli Xiliyada Hore ee Waxbarashada.."
Waxaa la qirsan yahay in Dad badan ay marka ay damcaan iney bulsho ka hor hadlaan ay la soo gudboonaato xaalad Khalkhal Nafsi iyo jah-wareer, iyadoo xaaladdoodu sii xumaato marka aanay hore loogu sii diyaargaroobin khudbadaasi jeedinteeda, Fagaare ka hadalku uu u baahan yahay xasilooni ay Dadku qofka hadlaya ka dareemaan, taasoo ay adag tahay in qofka laga helo, haddii aanu marka hore u tababarnayn fagaare ka hadalka…
Khubarada ku xeel dheer arrimahaan ayaa qaba in Waqtiga ugu fiican ee lagu tababari karaana uu yahay xiliga Carruurtu yar yihiin, iyadoo talooyinka ugu habboon ee qofka ka caawin kara inuu si kalsooni ah bulshada uga hor hadli karo isla markaasna gudbintiisuna khudbada si sahlan loi fahmi karo Ujeedada Muwduuca laga hadlaayo soona jiita Quluubta Dadka Dhageysanaaya Khudbada.
Khabiirada ayaa soo jeediya in talooyin caawinaaya in Caruurtu inta ay yar yihiin lagu tababaro fagaare ka hadalka, si aanay marka uu weynaado ugu noqon caqabad hoos u dhigta heerkii uu u qalmayey, waxaana ja mid ah Qodobadaan
U dhalasho
Khabiirada ayaa sheegay iney jiraan Caruur si dabiici ah ugu diyaarsan fagaare ka hadalka, Waxeyna ay awoodaan iney Dad kala duwan wax u sheegaan ama Dadka hortooda su’aalo dhiirran waalidkood ku weydiiyaan, taasoo ay marka dambana la weynaadaan inkastoo taasi macnaheedu aney ahayn in qofku uu codkarnimada iyo kalsooni u hadalka u dhasho oo keliya.
Doodaha Fasallada Waxbarashada
Khabiirada sya yaqiinsan in sida ugu habboon ee carruurta loogu tababari karo fagaare ka hadalka ay tahay in waqtiga ugu fiican in tababarka la bilaabaa uu yahay inta aanu ilmuhu gaarin Da’da 11-sano jirka. Xilligaas oo ah marka ugu fiican ee jirkiisa loo diyaarin karo dhaqdhaqaaq ku habboon ereyada uu sheegaayo iyo inuu is waafajiyo dhaqdhaqaaqa xubnaha jirkiisu ay samaynayaan iyo ereyada ay dibnuhu sheegayaan.