Miyeey tahay Ku Xad-Gudub Hindise Sharciyeedka Doorashada Hanaanka Maqaamka Mogadishu…

Somalia news

Waxaa qeylo dhaan ka soo yeertay Ansixinta hindise sharciyeedka doorashada ee dhawaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada taasoo keenaysa in laga fekero go’aanka koox kaliyah aysan qaadan karin masiirka Shacbiga ku nool Gobolka Benaadir loona baahan yahay talo wadaag..

Sidoo kale, Baarlamaanku waa in uu xaqiijiyaa inuu jiro Maamul Goboleed Banaadir ah oo la xaajooda maamulkiisa ka hor inta uusan sharci ka dhigin maqaamka Muqdisho, Wada xaajoodkan ayaa lama huraan u ah in la damaanad qaado in Maamulka Muqdisho uu la jaanqaado qaab-dhismeedka ballaaran ee Federaalka, dooda sharci oo ah in talaabada ay Xukuumadu ku samaysay hindise sharciyeedka ahi ay tahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka iyo sharci-darrada, iyadoo hareer martay Qodobada cad iyo Mabaadi’da loo dejiyay ee Dastuurka Somalia.

DOODA ugu Muhiimsan Doorka Qodobka 9aad:

Qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah ayaa dhigaya in Muqdisho ay tahay Caasimada Somalia, maqaamkeedana lagu qeexo sharci uu soo saaro Baarlamaanka, Taas macnaheedu waa in awooda go’aaminta qaab-dhismeedka maamulka iyo qaab-dhismeedka doorashada ee magaalada lagu aamino laanta sharci-dejinta, Dastuurku wuxuu soo jeedinayaa hannaan ka baaraandeg ah oo faahfaahsan oo lagu qaabeynayo Dowladnimada Muqdisho, iyadoo la qirayo doorkeeda gaarka ah ee caasimada.

Golaha Wasiirada ayaa go’aan ka soo saaray hindise sharciyeedka doorashada oo Baarlamaanka horgeyn doono in la meel mariyo sharciga lagama maarmaanka u ah sida ku cad qodobka 9-aad. Waxay ka dhigan tahay ku xadgudubka waaxda fulinta ee dhinaca sharci dejinta, Dastuurku ma siinayo Hay’adaha fulinta awooda inay si keligood ah u dejiyaan qaabka doorashada Muqdisho iyadoo aan marka hore lagu xalin maqaamka magaalada, loona marayo hanaanka sharci-dejinta ee loo igmaday, Tallaabadan ayaa wax u dhimaysa mabda’a madaxbanaanida Baarlamaanka, taasoo asaas u ah dowladnimada dimuqraadiga ah, waxayna iska indha tireysaa in Dastuurka uu dhigayo sharci gaar ah oo ka hadlaya maqaamka Muqdisho.

339250cookie-checkMiyeey tahay Ku Xad-Gudub Hindise Sharciyeedka Doorashada Hanaanka Maqaamka Mogadishu…