Miyeey Xal Waara Ka Gaari karaan Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Dhibaatada Maleeshiyaadka Xawaalde..

Somalia news

Inkastoo Hogaanka Hirshabelle ku fashilmeen iney xakameeyaan Kacdoonada hubeysan ee Maamulkooda looga soo horjeedo, hadana waxaa dhinac kale la sheegay in Agaasimaha Hey’adda NISA oo ku sugan magaalada B/weyne uu ka wadaa Kulamo lagu dardar galinaayo Nabadeynta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaabka..

Ku darsoo, Magaalada Baledweyne Gobolka Hiiraan waxaa saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray inta badan Xildhibaanada Beelaha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka, masuuliyiin kale iyo Dadweyne oo farabadan, kuwaasoo isku diyaarinaya ka qeybgalka xaflada lagu Caleema saarayo Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, taasoo ku beegan Berito 13-ka May.

Sikastaba ha ahaate, Waxaa looga fadhiyaa Mas’uuliyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka iney soo af jaraan Maleeshiyaadka isbaarada u dhigta Maamulka Gobolka, iyadoo la xaqiijiyay in Odayaasha qaarkood ay wataan qorshe ah in Caleema saarka Ugaaska loo wareejiyo degaanka Ceel dheer Daharo Ugaas, Dalabka Cuqaasha ayaa noqday mid culeys ku kordhiya qabsoomida Xaflada.

Dhinacyadaan ku kulansan magaalada ayaa looga fadhiyaa iney soo afjaraan Qulqulatooyinka joogtada noqday ee Maleeshiyaadka Beesha Xawaadle oo afduub ku heysta Horumarinta Adeegtada Caafimaadka, Adkeynta Amaanka Magaalada iyo Dib u bilaabida dagaalada looga soo horjeedo kooxda argagixisada Shababka kaasoo muddo bilooyin ah hakad ku iira khilaafyo jira oo aan la xalin awgeed.

326360cookie-checkMiyeey Xal Waara Ka Gaari karaan Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Dhibaatada Maleeshiyaadka Xawaalde..