Mr.Kheyre Oo Amar Qabasho Soo Saaray

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya In Wasiirka 1-aad ee Dowlada amar uu soo saaray ku faray Boliiska Gobolka Benadir iney soo qabtaan Mr.Siyaad Maxamuud Shire, Oo kamid ah Xubnaha aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo….

Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in Siyaad Maxamuud Shire Iyo Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire ayaa Hoteelada Mogadishu ka waday maalmihii ugu dambeeyay Abaabul Mooshin dhan ah Raisal-Wasaare Khayre, waxeyna La kulmeen tiro Xildhibaano ah oo u badan kuwo ka soo jeeda Dirta Waqooyiga iyo Qeybaha kale, iyagoo balanqaadyo Dhaqaale iyo mid xileedka u sameeyay.

Haddii ay dhabowdo isku dayga xariga Siyaad Nuur Shire, waxay ka dhigan tahay Dagaalkii u dhexeeyay Maalmihii u danbeeyay Farmaajo Iyo Khayrre, uu gaaray heerkii ugu sareeyay.

36800cookie-checkMr.Kheyre Oo Amar Qabasho Soo Saaray