Share the post "MSF oo Hakisay howlihi Samafalka ay ka waday Dalka Sudan iyo Sababta…"
Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa Hey’adda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa Isniintii hakiyay howlihii ay ka wadeen xerada Zamzam ee Dalka Sudan oo ay macluushu ku dhufatay, kadib markii ay sii kordheen weerarada iyo dagaalada ka socda agagaarka aaggasi…
MSF ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya Ciidamada Sudan iyo kuwa ay iska soo horjeedaan ee Maleeshiyaadka RSF uu ku sii xoogeystay xerada oo ku taal Waqooyiga Darfur, iyadoo khasaaraha dhinacyadaan soo kala gaareen ay aad u kordheen inkastoo Xoogaga RSF la sheegay goobo badan looga itaal roonaaday.
Xiisadan oo sii korortay ayaa ka dhigtay mid aan macquul aheyn in MSF ay bixiso baahiyaha bini’aadanimo, taasoo u badan taageero dhinacyo badan leh oo naf badbaadin ah oo ay u fidiyaan kumanaan barakacayaal ah oo ku sugan deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay, Yahya Kalilah, oo ah madaxa howlgalka MSF ee Sudan ayaa sheegay, in la joojiyay mashruucooda iyadoo xerada Zamzam ay ku dhex jirto musiibo qalbi jab ah.