Muqdisho iyo Khatarta Amni

Politics

Macluumaad xambaarsan digniino amni ayaa soo baxaya ayna soo saareen Saraakiisha Amaanka, kuwaasoo lala wadaagay Hey’adaha Sirdoonada Iyo Amisom, iyagoo looga digay iney dhaqdhaqaaqooda…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Saraakiisha Amaanka ay si hordhac ah uga war heleen in magaalada Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 5-xubnood oo Naftood hurayaal ah, kuwaasoo lagu soo xiray walxaha qaraxa, waxaana u qorsheysan iney galaan xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in hoteellada Muqdisho qaarkood oo aan bandowga saameyn ku yeelan loo sheegay iney muujinayaan feejignaan dheeraad ah.

Saraakiisha amniga ayaa laga soo xigtay in Kooxda Shabaabku ay badaleen farsamadii qaraxyada kadib markii ay gaadiid soo gelin waayeen Muqdisho, islamarkaana ay bilaabeen in shaqsiyaad ay qaraxyo ku soo xiraan.

Kooxda Shabaab ayaa hore isku qarxiyay maqaayad ay dad shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka Sayidka, waxayna Qaraxaas u adeegsadeen qof ismiidaamiyay, arintaas ayaa abuurtay walaac iyo wal wal cusub.

35030cookie-checkMuqdisho iyo Khatarta Amni