Muranka Badeena Iyo Maamulkaan Oo Xawilay

Politics

Maamulka Farmaajo ee Villa Somalia ayaa intii uu xilka hayay, wuxuu ku guuldareystay in xal laga gaaro Sheegashada dhul-badeedka Somalia, iyadoo uu u xawilay Maamulka Mustaqbalka ay Somalia yeelan doonto 8-2-2021..

Khubarada Arrimaha Sharciyada Badda ee Caalamiga ah ayaa ka digay Khatarta ay wajahayaan Maamulka cusub, maxaa yeelay Bisha Maarso ayaa Garsoorka Maxkamadda Aduunka ay Iclaamisay iney Dib u bilaabi doonto dhageysiga Dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya.

Run ahaantii ma jirto sabab xaqa oo kalifeysa Kenya iney u abuurto khilaaf badeed oo ay weliba u rogto mid xuduudeed, taasoo ah waxaan muran ku jirin oo uusan horay khilaaf uga taagneyn.

Sida hadda wax u muuqdaan oo dacwadu u socoto waxey madaxda sare ee Somalia ka door bideen danahooda ganacsi iyo Maalgelineed dalka Kenya ayna kala weyn tahay hantida Qaran, iyagoo gacan ku siiyay Maamulka Uhuuru in xoog iyo xeeladba ku milkiso, taasoo guusha ay ka gaarto hanashada Badda Soomaaliyeed ku dhiiri gelin doonta qabsashada ku xigta oo noqon doonta dhulka koofurta ka xiga webiga Jubba.

36860cookie-checkMuranka Badeena Iyo Maamulkaan Oo Xawilay