Musharaxa Villa Somalia Oo Lagu Wado in La Doorto

Politics

Musharax Cali Saciid Fiqi Danjirihii Hore Ee Somalia u fadhiyay EU-da, ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo loogu doortay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed….

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com u sheegaya in Maamulka Farmaajo ay ku qanciyeen inuu isaga soo taggo Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium-ka, isla-markaana uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo, uguna fariismo kursiga ugu sareeya ee Baarlamaanka, iyadoo Dhaqaale badan loo diyaariyay si loogu laaluusho Xildhibaanada.

Musharax Cali Saciid Fiqi ayaa maalintii Axada soo gaaray Magaalada Baydhabo, markii uu kaga soo gudbay dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati-gaduud.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopia ayaa la wareegay inay suggaan amniga Cali Saciid Fiqi, oo dhawaan iska casilay Danjiraha Somaliya ee Midowga Yurub.

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in musharaxa la dejiyay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, oo dhinaca ku haysa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, waana halkii la dejiyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), markii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, 19-kii December ee sanadkii 2018.

Illaa shan Xildhibaan ayaa u sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

25360cookie-checkMusharaxa Villa Somalia Oo Lagu Wado in La Doorto