NISA Oo Caddeyn U Weysay Eedihii Wariye Macruuf

Politics

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya In Hogaanka NISA oo horey u sheegay iney Dembiyo culus Oo la xiriira Amniga Qaranka ku soo eedeeyeen Wariye Harun Macruuf, ay soo bandhigi waayeen Macluumaad la xiriira Eedaha ay u soo jeediyeen Wariyaha…..

Xogtaan ayaa tilmaamtay in markii ay adkaatay in dambi lagu soo oogo loo helo weriye Harun Macruf waxa ay ilo rasmi ah ii xaqiijiyeen in saraakiil ka tirsan Hay’ada NISA ay ku soo wareegayeen maalmahan wasaarado dhowr ah iyagoo weydiinayey shaqaalaha wasaaradahaas in la heli karo cid uu xiriir la soo sameeyey weriye Harun Macruf mar uun iyagoo sheegaya inay dhisayaan kiis dacwo oo eedeyn ku noqon kara weriye Harun Macruf.

Waxaa sidoo kale la ii xaqiijiyey in qaar ka mid ah dad horey uga soo goostay Alshabaab in ay Hay’ada NISA u sameysay ballanqaadyo dhaqaale si ay u been abuuraan inay jirto wadashaqayn xog isdhaafsi ah oo ka dhaxeysa iyaga iyo weriye Harun Macruf, halka xubno kale oo Kooxda shabaab ah oo hada xabsiga ku jirana loo ballanqaaday in xabsiga laga khafiifinayo haddii ay ka qaybqaataan kiis markhaatifur been abuur ah oo ka dhan ah weriye Harun Macruf”.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Adeege Fahad Yasin uu naceyb Shaqsi ah u qaaday Wariyaha, iyadoo Sidoo kale Mr.Farmaajo uu aad u dhibsaday Warbixinada Barnaamij ka Galka Baarista ee VOA, Talaabadaasina ay horseeday iney iska kaashadaan sidii dembiyo been abuur loogu soo oogi lahaa Wariyaha.

32890cookie-checkNISA Oo Caddeyn U Weysay Eedihii Wariye Macruuf