ONLF Oo Rajo Ka qabta Doorashooyinka.

Politics

Xisbiga cusub ee ONLF ayaa waxa looga cabsi qabaa in uu ku guulaysto doorashada ka dhici doonta dalka Itoobiya bisha Agoosto ee sanadkaan. Xisbiga ONLF ayaa sanadkii hore waxa uu hogaanka Xisbiga u doortay Mudane Cabdiraxmaan Maadeey oo ah halyay laga yaqaano guud ahaan dhulka Soomaalida degto.

Xsibiga ayaa waxa uu dhawaan la galay isbahaysi siyaasadeed xisbiyo kale oo kor u dhaafaya 11 Xisbi, kuwaas oo ay ku jiraan xsibiyada ugu waawayn ee ka soo horjeedo hogaanka Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad, kaas oo uu ugu wayn yahay xibiga qowmiyada Oromada oo uu hogaanka u hayo Jawaar Mohamed ee OLF iyo xisbiyada Moji, Agow.

Midowgaan ayaa waxa uu qal-qal siyaasadeed galiyay xisbigii ii dhawaan ku dhawaaqay Abiy Axmed ee loo yaqaano BB kaas oo uu isagu madax u yahay, isla markaana uu ku soo darsatay xsbiga  ay hogaamiyaan labada nine ee ka soo jeeda Soomaalida ee  Mustaf Cagjar iyo Axamd Shideye.

Hadaba afartii asbuuc ee la soo dhaafay ayaa waxa Abiy Axmad ku bilaawday wal-wal xoogan kaas oo ku wajahan doorashada bisha Agoosto. Hadii , sida la filaayo Xisbiga Qowmiyada Oromada ee uu hogamiyo Jawaar Maxamed ku guulaysto deegaaanka Oromoda isla markaana ONLF ku soo guulaysato degaanka Soomaalida, waxaa hogaanka dalka Itoobiya la wareegayo isbhaysiga cusub, taas oo keeni doonta in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya uu noqdo mudane Cabdiraxmaan Maadeey.

Hadaba iyada oo uu Abiy Axmad ka baqayo guusha aan la hor istaagi karin ee Cabduraxmaan Maadeey ayaa Abiy Axmad waxa uu ka codsaday Saaxibkii Madaxweyneha dalka Eritreeye Afwerki in uu isku keeno labada dhinac oo uu wada hadalasiiyo.

17420cookie-checkONLF Oo Rajo Ka qabta Doorashooyinka.