Qaadkii Oo Laga Joojinaayo Somalia..

Business

Kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen Saraakiil ka tirsan Maamulka Farmaajo ayaa lagu go’aamiyay in lagu dhawaaqo joojinta qaadka iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimaada Kenya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaysa in inta laga hubinayo in qaadka uu keeni karo xanuunka Coronavirus, maadama gacmaha lagu soo jaro baakadano ku jirin,  la joojinayo dhammaan keenista qaadka.

Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in la hakiyo agabyada kale ee ka yimaada Kenya iyo guud ahaan duulimaadka dalkaas iyo Soomaaliya.

Xildhibaan Cali Jowhar oo ah Guddomiayah Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta berri ah ay qaban doonaan shir ayna dowladda Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayaan joojinta qaadka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kulan dhacay la isku afgartay joojinta arrintaan islamarkaana go’aanka lagu dhawaaqi doono wixii ka dambeeya maalinta berri ah.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran.

22480cookie-checkQaadkii Oo Laga Joojinaayo Somalia..