Qaramada Midoobay oo soo Bandhigtay Magaca Horgalaha Kooxda Argagixisada Daacishta…

Security World

Warbixin Amaan ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, ayaa daaha ka qaaday iney jirto kalsooni sii kordheysa oo la xiriirta in Hogaamiyaha kooxda Argagixisada Daacishta uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi…

Maleeshiyaadka Kooxdani oo horey ugu xoog badneyd degaano badan oo ka tirsan Dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa la xawiijiyay iney weli saameyn togan ku leedahay qaar ka mid ah Dalalka Waqooyiga iyo Bariga Afrika, iyadoo Degaanada Maamulka Puntland ee Somalia gaar ahaan Degaanada Buuraleyda Calmiskaad ay tahay goob ay Daacish si muuqata uga hawlgasho, iyadoo Fariisinkooda ugu weyn laga helayo buuraha Gobolka Bari.

Qaar ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa u arka in hoggaamiyaha cusub uu yahay Horjooge Cabdiqaadir Muumin, uu yahay madaxa Daacish ee Somalia, Hase yeeshee, weli lama hubo, warbixinta ayaa lagu dul istaagay in Horjooge Muumin door muhiim ah ku lahaa hawlgallada caalamiga ah ee Daacish, waxaana la rumeysan yahay in loo dalacsiiyay Hogaanka sare ee Daacishta.

365830cookie-checkQaramada Midoobay oo soo Bandhigtay Magaca Horgalaha Kooxda Argagixisada Daacishta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *