Qarax Ka Dhacay Dekeda Bosaso..

Politics

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya Magaalada Bosaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee Dekada Boosaaso, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada Dekada, waxaana la aaminsan yahay inuu ahaa nooca miino dhulka lagu aaso.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Saraakiil ka tirsan Puntland sheegeen in qaraxa uu ku dhintay shaqsi ka jeeda dalka Ethiopia, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ilaalada Dekada Boosaaso.

Sidoo kale qarax ayaa geystay khasaaro hantiyeed, iyadoo uu burburiyey guryo iyo gaadiid ka dhawaa agagaarka Goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxday hay’adaha ammaanka gobolka Bari oo looga hadlay qaraxan, weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso waxaa inta badan sheegta kooxaha Argagixisada ee Shabaabka iyo Daacishta.

21180cookie-checkQarax Ka Dhacay Dekeda Bosaso..