Yaa Qaraxyada Ka Daba Wada Cali Gaab

Politics

Xogo hordhac ah ayaa muujinaya in gacmo kale ay qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay wadaan kooxo oo aan aheyn Kooxda Shabaabka, kadib markii muddo 4-maalmood gudahood lagula eegtay qaraxyo abaabulan Magaalada Muqdsho, iyadoo Qaraxaan uu ka dhacay Dagmada Waaberi gaar ahaan Afsiyooni, waxaana lala beegsaday Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), oo ka tirsan Ciidamada Boliiska..

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay, ayaa ka dhacay jidka Afisiyooni gaar ahaan agagaarka Dugsiga Al-Masal, waxa uu noqonayaa qaraxii labaad oo todobaad gudihiis lala beegsado Gen.Cali Gaab, Waxaa la sheegay inuu kharaase ka dhashay (2-3 Qof) iyo burbur ku yimid gaarigii la socday Sarkaalka, wuuna ka badbaaday Sarkaalka.

Hadaba Yaa Qaraxyada Ka daba wada Gen.Cali Gaab

Xogo la helay oo la soo gaarsiiyay Diinah.com ayaa tilmaamaya in liis dheer oo ay ku qoran yihiin Saraakiil,Aqoonyahanno, Waxgarad, iyo Odayaal dhaqmeedyo u dhashay Beelaha Mudulood iyoHabar gidir la qorsheeyay in la khaarijiyo inta lagu guda jiro xiliga kala guurka ah, waaana sababta la 2 jeer loo beegsaday Generaalka, waxaana xigi doona kuwo kale oo Moogayaal ah oo nolol maalmeedka caroortooda ku mashquulsan.!!

36500cookie-checkYaa Qaraxyada Ka Daba Wada Cali Gaab