Qarax-Miino Oo Dhacay Degaanka Aw-dheegle

Politics

Wararka naga soo gaaraya degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen Qaraxyo Miino oo laba ah….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Qaraxyadan ayaa waxaa la galiyay maqaayad inta badan Shaaha ay ka cabaan Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Ciidamada Boliiska ee ku sugan degaanka Awdheegle oo ka tirsan degmada Afgooye.

Maqaayadda Shaaha laga cabo ee la qarxiyay, ayaa Subax kasta waxaa shaaha ka caba Ciidamada Boliiska ee Awdheegle ku sugan, waxaana Qaraxyadan meesha galiyay Al Shabaab, sida Saraakiisha ay sheegeen.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid uu yahay Askari ka tirsan Ciidamada dowlada ayaa ku dhintay Qaraxaasi, halka sidoo kale uu ku geeriyooday Ruux shacab ahaa oo maqaayada fadhiyay.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa saddex ruux oo shacab & Askar inay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi miino ee ka dhacay degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Markii Kooxda Shabaabka laga qabsaday degaanka Awdheegle waxey kooxdu isku dayayeen inay dhibaatooyin kala duwan ka gaystaan Dadka degaanka iyo Xoogaga amaanka.

28860cookie-checkQarax-Miino Oo Dhacay Degaanka Aw-dheegle