Qeybdiid Oo Olole Muddo Kordhin Ah Wada

Somalia news

Warbixino hordhac ah ah ayaa muujinaaya in Senator Cabdi Qaybdiid uu 2-habeen Ee ugu dambeysay waday kulan gaarka ah oo uu la yeelanaayay qaar ka mida ah Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasoo uu ka codsaday in La taageero Wasiirka 1-aad Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Mr.Cabdi Qeybdiid oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii Magaalada Muqdishu, uu haataan wado qorshe uu ugu raadinaayo Muddo Kordhin Hal sano ah, Ra’isul wasaaraha Magacaaban Ee Muddo xileedka Maamulkaan 4-bilood u harsan.

Wuxuuna Kulamo kala duwan la qaatay Gudoonka Baarlamaanka oo uu ka codsaday in la Ansixiyo Wasiirka 1-aad isla markaasna loo sameeyo muddo kordhin Hal sano ah, Hogaamiye kooxeedka ayaa sidoo kale weydiistay Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beelaha Iney kala shaqeeyaan muddo kordhinta, isagoo sabab uga dhigay in 4-bilood uusan waxba ku wanna karin Mr.Rooble.

Hogaamiye Kooxeedka oo La hadlaayay Waxgarad beeshiisa ah ayaa sheegay “Waad ogtihiin aniga ina Farmaajo wanaag igalama-dhaxeeyo, waxaana u arkaa nin waalan oo been badan, laakiin mar hadii ilaah ka soo qaaday in uu nin beesha ah magacaabay, waa in aanan marnaba ogolanin in  uu noqda nin afar-biloodle ah oo waqti yar kurisga ku fadhiyay, anagana aan ku karaamo beelno”, ayuu yiri Cabdi Qaybdiid oo qiiro ka muuqato.

62190cookie-checkQeybdiid Oo Olole Muddo Kordhin Ah Wada