Share the post "QM Oo Taageertay Qorshaha Jaamacadda Carabta ee Dib u Dhiska Magaalada Gazza.."
Kulan degdeg ah oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa Dowlada Egypt soo jeedisay Hindise dib loogu dhisayo marinka Magaalada Gaza ee dagaalka Ciidamada Yuhuudu ku burburiyeen,Qorshahaan oo Jawaab u ahaa midkii Trump ee loogu magac daray “Gaza Riviera”..
Qorshaha shanta sano ah ee dib loogu dhisayo magaalada Gaza ayaa ku kici doona 53-Billions US$ oo u dhiganta 50.5 bilyan oo Euro, sida laga soo xigtay Dukumentiyada qabyada ah, iyadoo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sissi uu sheegay in soo jeedinta ay u ogolaaneyso Falastiiniyiinta inay “ku sii sugnaadaan dhulkooda.” “Ma jiri doonto nabad dhab ah haddii aan la dhisin dowlad Falastiin ah,” ayuu yiri, isagoo furay shirka maanta. Nabad ku iman mayso xoog lagumana qasbi karo, ayuu yiri al-Sisi.
Balse si xabad joojintu ay ugu gudubto wejiga xiga, Israa’iil waxay dalbatay Xamaas hub ka dhigis, tallaabadaas oo kooxda Islaamiyiinta ay ku tilmaantay “khadka cas”, Marka loo eego dukumeenti qabyo ah oo ka kooban 112 bog oo ay arkeen wakaaladaha wararka ee DPA iyo Reuters, marxaladda soo kabashada lixda bilood ee bilowga ah waxay diiradda saari doontaa qaadista burburka iyo rakibidda guryo ku meel gaar ah oo ay ku kacayso ku dhawaad 3-Billions US$.
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay Qorshaha Madaxweynaha Egypt, waxeyna sheegeen iney si dhow ula socon doonaan hirgelinta Qorshahaan oo u muuqda mid wax ku ool ah isla markaasna meesha ka saaraya Qorshihii Trump ee barakicinta ku dhisnaa taasoo ay gadaal ka riixaayeen Maamulka Natanyahu ee Israel.